Maansada Suubban
"Maansada Suubban" 1. Suubbaneey sartiiyeey, 2. Sabadiyo xareedeey, 3. Sayloon naftaydiyo, 4. Lagu sabay sanbabadoo, 5. Sahansaday wadnaha, 6. iyo Saablayda oofaha, 7. Iyo Sabarka geenyada, 8. Seenyaday naftaydii, 9. Salalay habeenkii, 10. Seexan waayay dabadeed, 11. Naftu salaw kalgacaliyo, 12. surma-seegto badanaa, 13. Saran-seer hayaanliyo, 14. Sooyaamo badanaa, 15. Suubban bay tabaysaa, 16. Sahan bay diranaysaa, 17. Salaan bay koraysaa, 18. Socodkiisu dheer yahay, 19. Saadaashu waa nuur, 20. Saba lagu negaadiyo, 21. Waxad tahay salooliyo, 22. Sixin subag lo'aadeey, 23. Sida suufka tolaneey, 24. Sidra lala cawoo, 25. Safa lagu tilmaamoo, 26. Saba iyo sabaadiyo, 27. Lagu sheego suradeey, 28. Sirta lagu halaystaay, 30. Waxad tahay subeeciyad, 31. Waxad tahay sabaxareed, 32. Waxad tahay suleekhoo, 33. Sawdkeedu wacan yoo, 34. Subaxdii timaadaba, 35. Waxan kugu salaama, 36. Ama kugu saleeyaa, 37. Suubbantii haweenkee, 38. Dadka ugu saraysee, 39. Sunihii rasuulkiyo, 40. ...